Luke Shaw ayaa heshiis cusub u saxeexay Manchester United, waxaanu ka mid noqday difaacyahannada ugu mushaharka badan horyaalka waddanka Ingiriiska Premier League isaga oo qalinka ku duugay heshiis afar sannadood ah.
Shaw oo Red Devils ay sannadkii 2014 kusoo iibsatay £30 milyan oo Gini ayaa waxa uu u saftay 249 ciyaarood oo dhamaan tartamda ah, waxaanay United bishii January hirgelisay qodob u ogolaanayay inay 12 bilood ku kordhiso heshiiskiisii hore.
Qandaraaskiisa cusub ayaa ka dhigan inuu sii joogayo Old Trafford illaa sannadka 2017.
Heshiiskan cusub ee uu saxeexan ayaa ka dhigan in Shaw uu toddobaadkii mushahar u qaadanayo £200,000 Gini, waxaana uu kaalinta afraad ka gelayaa liiska difaacyahannada ugu mushaharka badan horyaalka Premier League oo uu hore ugaga jiray kaalinta sagaalaad, isaga oo dhaafay Harry Maguire oo toddobaadkii ay Man United siiso £189,000.
Waxa liiska difaacyahannada ugu mushaharka badan koowaad kaga jira Raphael Varane oo usbuucii u xaadira £340,000, halka John Stones iyo Virgil van Dijk ay qaataan £250,000 Gini iyo £220,000 Gini, sida ay u kala horreeyaan.
Halkan kaga bogo tobanka difaac ee ugu mushaharka badan Premier League:
1.Raphael Varane (Man United) – £340,000-toddobaadkii
2.John Stones (Man City) – £250,000-toddobaadkii
3.Virgil van Dijk (Liverpool) – £220,000-toddobaadkii
4.Luke Shaw (Man United) – £200,000 -toddobaadkii
5.Ben Chilwell (Chelsea) – £190,000-toddobaadkii
6.Harry Maguire (Man United) – £189,904-toddobaadkii
7.Trent Alexander-Arnold (Liverpool) – £180,000-toddobaadkii
8.Kalidou Koulibaly (Chelsea) – £162,000-toddobaadkii
9.Andy Robertson (Liverpool) – £160,000-toddobaadkii
10.Joao Cancelo (Man City) – £140,000-toddobaadkii