Taliyaha ciidamada danab oo beeniyey in ciidamadiisu ka dagaalameen laascaanood.

Wararka maalmahan la isla dhexmarayay ayaa tilmaamayay in sarkaal lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Suleymaan, oo ahaa nin dhalinyaro ah oo mar soo hogaamiyay urur ka tirsan ciidammada Danab, uu ku dhintay dagaalka Laascaanood.

Taliyaha ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya ee uu tababaray Mareykanku, ayaa gaashaanka u daruuray in ciidammo ka tirsan taliskooda ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka todobaadyada ka socda magaalada Laascaanood.

Korneel Axmed Cabdullaahi Nuur “Beeryare” ayaa bayaan uu ku daabacay bartiisa Twitterka, waxa uu ciidammadiisa uga fogeeyay warar la isla dhexmarayay maalmahan oo sheegayay in sarkaal ka tirsanaa hogaanka ciidammada Danad lagu dilay dagaalka Laascaanood.

“Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan, uu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021,” ayuu Korneel Beeryare ku yiri bayaanka.

“Waxaan xaqiijin karnaa inuusan ninkaasi wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada Danab waqtiga uu ku dhimanayay dagaalka ka socda Laascaanood,” ayuu sii raaciyay Beeryare.

Wararka maalmahan la isla dhexmarayay ayaa tilmaamayay in sarkaal lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Suleymaan, oo ahaa nin dhalinyaro ah oo mar soo hogaamiyay urur ka tirsan ciidammada Danab, uu ku dhintay dagaalka Laascaanood.

Maxamed wuxuu mar soo noqday taliyaha ururka afaraad ee guutada kumaandooska ah ee Danab, kuwaas oo saldhigoodu yahay xerada ciidamada Ballidoogle ee uu Maraykanku gacanta ku hayo.

Markale wuxuu noqday taliyaha cutub boliis khaas ah, oo shaqadoodu tahay in ay baaritaano ka sameeyaan goobo aan laga fileyn oo kamid ah caasimadda Muqdisho. Inta badan dadku waxay ciidammadaas u yaqaannaan ‘Booliska Guurguura’.

Taliyaha Ciidammada qalabka-sida ee Soomaaliya, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, oo BBCda lahadlay ayaa sheegay in sarkaalkii isaga oo xubin ka ah ciidanka qaranka qayb ka noqda colaadda Laascaanood uu sidaas ku wayn karo xubinnimadiisa.