Taiwan ayaa ku guul daraysatay dedaallo ay waday oo ahayd in lagu marti qaado ka qayb galka Shirweynaha sannadlaha ah ee caafimaadka Adduunka.
Shirweynahan oo ka dhacayey Magaalada Geneva, ayaa laga hor istaagay Taiwan, iyada oo Shiinaha iyo Pakistan ay ku taliyeen in aan loo ogolaan in ay ka qayb gasho shirkaas, halka Eswatini iyo Jasiiradaha Marshall loo yaqaan ay soo jeediyeen in loo ogolaado.
Somaliland ayaa ka mid ahayd dalal u ololaynayey in Taiwan loo ogolaado ka qayb galka shirweynaha Caafimaadka Adduunka.