Tahriibayaal ku dhintay Xeebaha Dalka Yemen.

Ilaa 38 qof oo tahriibayaal ah oo ka soo jeeda Geeska Afrika ayaa ku dhintay doon ay la socdeen oo ku degtay xeebaha dalka Yemen.

Kalluumeysatada ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad ​​80 qof balse ku dhawaad 100 kale ayaa lagu soo waramayaa in wali la la’yahay.

Maamulka degmada Rudum, ee bariga Cadan, ayaa sheegay in dadkii doontaa saarnaa ay badankood tahriibayaal ahaayeen, ayna badankood kasoo jeedeen Itoobiya, muhaajiriintaas oo Yemen u adeegsada marin ay ku gaadhaan dalalka Gacanka.