: Millatariga Sudan iyo dad goob-joogayaal ah ayaa Sabtidi sheegay, in malleeshiyo ka tirsan xoogagga dagaalka kula jira ciidamada Sudan ay cagta mariyeen tuulo ku taalla bartamaha Sudan, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 85 qof.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa lagu sheegay, in rag hubeysan oo ka tirsan xoogagga RSF ay dhammaadki bishi Julay iyo todobaadki hore, ay weerar xoog leh ku ekeeyeen deegaanka Galgani oo ka tirsan gobolka Sennar ee bartamaha Sudan, halkaas oo ay ka geysteen gabood-fallo isugu jiray dil, kufsi, bili-laqo iyo qarbudaad.
Warbixinta ayaa sheegeysa, in kooxdani ay dab qabad siiyeen tuulada, kaddib marki ay dadka deegaanka iska caabiyeen isku day ay malleeshiyadni ku rabeen in ay ku afduubtaan dumar iyo gabdho yar yar