Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in Itoobiya ay wadahadal la gasho ilaa ay “waxba kama jiraan” kasoo qaadeyso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.
Hadalka dawladda Soomaaliaya ayaa daba socday bayaan ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ee kala ah, Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Maraykanka kuwaas oo walaac ka muujiyay heshiiska is-afgaradka ah, waxayna ugu baaqday Itoobiya iyo Soomaaliya inay furnaadaan dhammaan waddooyinka wadahadallada.