In ka badan 600 oo qoys oo kamid ah barakacayaasha ku ku nool magaalada go’doonsan ee Xududr ee gobolka Bakool ayaa shalay gargaar binu’aadanimo la gaarsiiyay.
Xudur ayaa muddo sannado ah ay go’doon ku hayaan ururka Al Shabab, arrintaas oo sababtay mas’iibo bani’aadannimo. Waxaa xaaladda sii cakiray abaar iyo fatahadaado is biirsaday oo deegaanka saameeyay.
Sida ay sheegtay Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya, Xudur ayaa marti galinaysa in ka badan 30 kun oo barakacayaal, kuwaasoo badankooda kasoo cararay deegaanno kale oo gobolka Bakool ah.