Siyaasi Axmed Muumin Seed oo sheegay in Somaliland lagu sameeyo baasaboorka Soomaaliya .

Siyaasiga Axmed Muumin Seed ayaa si cad usheegay in Gudaha Somaliland lagu iibiyo lagagana ganacsado Baasaboorka Dawlada Federaalka Soomaaliya isla markaana uu Dad gaar uxidhan yahay Adeegaasi

Axmed muumin seed ayaa hadalkan sheegay wakhti uu ka hadlaayey Dacwadda Xeer ilaalinta Somaliland kasoo Gudbisay xildhibaan Maxamed Abiib oo laga soo doortay Gobolka Awdal

Aidoo kale wuxuu sheegay in Maxamed Abiib oo Lagu sameeyo Maamuus ka xayuubin ay ka dhawdahay in 11ka Xildhibaan ee Gobolka Awdal ku matalaya Golaha wakiilada Somaliland inay iska Casilaan Xilshibaanimadooda.

Axmed Muumin Ayaa intaa kusii darey in Sidii laascaanood loo fasax lala damacsan yahay Gobolka Awdal balse uu uga digayo Xukuumada Kulmiye inay Qaado Talaabadaasi.

Si kastaba Somaliland dawladeeda ayaa xidha cid kasta oo xidhata marada Buluuga ah ee calanka Soomaaliya ka sameysan yahay balse lama oga sababta Baasaboorka Muqdisho loogu iibiyo Gudaha Somaliland

Magaalada Hargeysa baasaboorka Soomaaliya ayaa lagu iibiyaa 300$ iyo dheeraad waxaana qofka looga dalbaa magaalafa Garoowe ee Puntland.