Somaliland oo sheegtay in lasoo weeararay ciidamadeeda ku sugan Gobolka sool.

Somaliland oo sheegtay in lasoo weeararay ciidamadeeda ku sugan Gobolka sool.

Xukuumada jsl ayaa war-saxaafadeed ay soo saaraty ku sheegtay in ciidamo kala duwan oo hubaysani ay soo weerareen ciidamada somaliland ee ku sugan agagaarka gobolka sool .

Somaliland ayaa weeararkan ku tilmaantay mid lagu khalkhal gelinayo xabad joojintii ay hore usoo saartay waxaanay weerarkan ku eedeysay inay hormuud uyihiin ciidanka maamulka putland ee soomaaliya.

war-saxaafadeedka kasooo baxey dawlada jahuuriyada somaliland ayaa udhignaa sidan”

“Kooxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, Nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaas oo ahaa mid fulaynimo ah, mana jirto wax dhibaato ah oo soo gaadhay Ciidamada Qaranka.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka jawaabeen weerarka ay soo qaadeen kooxaha isgarabsanayaa isdifaacid iyo iska caabin.

Xukuumadda Jamhuuriyadda waxay cadaynaysaa in weerarkan saaka ay soo qaadeen kooxaha huwantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabaddaynta Magaalada Laascaanood. Talaabadan oo muujinaysa sida kooxaha argagixisada ah iyo Maamulka Puntland aanay u ogolayn in shacabka Magaalada Laascaanood nabad helaan”

waxaa xusid mudan in muddo 5 maalmood ah aanu wax dagaal ahi ka dhicin gobolka sool iyo agagaarkiisa balse saaka uu dib ubilaabmay dagaalkaasi sida ay cadeysay dawlada jamhuuriyada somaliland kadib markii weerar lagu soo qaadey fadhiisimida ciiidamada somaliland ku leeyihiin Agagaarka gobolka sool.