Somaliland oo la dagaalanka Budhcad Badeeda kala hadashey Dawlada Uk

Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hure Haariye ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil sare oo ka socday wadanka ingriiska gaar ahaana Hargaysa iyo qaar kamid ah wadamada geeska .

saraakiishan oo ka tirsan xafiisyada difaaca Uk iyo madaxa nabadgalalyada xafiiska Hargaysa ee Ingriiska waxay kawada hadleen xoojinta xidhiidhka nabadgalyada laba dal gaar ahaana dhinaca amaanka badaha Somaliland qodob muhiim ayey isla soo qaadeen oo la xidhiidha wada-shaqaynta Somaliland Uk .

Waxa kale oo ay isla soo qaadeen la dagaalanka argagixisada , budhcad badeeda iyo danbiyada badaha ka gudba iyo waxkasta oo khatar ku ah dhinaca amaanka badaha Somaliland iyo guud ahaanba geeska Afrika .

Labadan xubnood ayaa kala ahaa Mr James Edward oo ka tirsan wasaarada difaaca ingriiska iyo camilla landberg madaxa nabadglyada ee xafiiska Uk Hargaysa