Somaliland oo ka hadashey Hub lagu wareejiyey Dawladda soomalaiya .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay walaac xooggan ka muujinaysaa hubka culus ee ay dawladda Masar u soo dirtay maamulka Muqdisho, kaas oo khatar ku ah ammaanka mandaqaddaa oo ay hore u soo food saartay caqabado amni oo cakiran.

Xukuumadda Somaliland ayaa aad uga walaacsan wareejinta hubkan, iyadoo maamulka Muqdisho aanu wakhtigan lahayn awood uu ku maamulo ama uu ku ilaaliyo kaydka badan ee agabka ciidamada ah. Hubka ku batay deegaan markii horeba jilicsanaa ayaa kor u qaadaya halista tartanka hubka, iyadoo kooxaha kala duwani ay u badan tahay in ay doonayaan in ay helaan bakhaar u gaar ah si ay danahooda u ilaashadaan. Xukuumadda Somaliland ayaa si gaar ah uga walaacsan in hubkani uu gacanta u galo kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo kale oo firfircoon, taasoo sii kordhinaysa colaadda iyo xasilooni-darrada ka jirta gobolka.

Haddaba, iyadoo khatarahaas jira, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo oo wax lagaga qabanayo tabashooyinka isa soo taraya. Tallaabooyin ka hortag ah ayaa muhiim ah si looga fogaado xiisado kale oo sii kordha, colaadaha soo cusboonaaday iyo dhiig daata iyo in la ilaaliyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo amniga gobolka.
Xukuumadda Somaliland waxa ay weli ku adkaysanaysaa in ay nabad, xasilooni iyo wada-hadal wax ku ool ah u abuurto, waxaanay u soo jeedinaysaa cid kasta oo ay mas’uul ka tahay in ay wax ka qabtaan tabashooyinka isa soo taraya ka hor inta aanay faraha ka bixin. Tallaabo degdeg ah ayaa lagama maarmaan u ah in la baajiyo iskahorimaad ballaadhan oo loo ilaaliyo xasilloonida jilicsan ee gobolka.