Somaliland Oo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ugu baaqday in ay u Ogolaato Taiwan ka qayb galka Shirarka Hay’addaas,

Somaliland Oo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ugu baaqday in ay u Ogolaato Taiwan ka qayb galka Shirarka Hay’addaas

Somaliland ayaa ugu baaqay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO in ay ku marti qaado Taiwan in ay ka qayb gasho Shirweynaha Caafimaadka adduunka, shirarka iyo hawlaha kale ee WHO qabato.
Qoraal uu ku saxeexan yahay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Ciise Kayd, ayaa lagu sheegay in ay Taiwan door weyn oo muhiim ah ay kaga jiro hawlaha caafimaadka iyo horumarintiisa, isaga oo xusay in kaalin muuqata ay ka qaateen la dagaalanka, ka hor tagii faafistii Cudurka COVID19-ka, laakiin nasiib darro in aan loo tix gelin doorkeeda ka mid noqoshada WHO, sababo la xidhiidha tix gelin siyaasaddeed oo aan lahayd cudur daar.


Wasiir Kayd waxa uu sheegay in ay Taiwan iyo Somaliland iska kaashadaan dhinaca Caafimaadka, isla markaana ay markhaati ka yihiin doorkeeda firfircoon ee arrimaha Caafimaadka adduunka