Guud ahaanba Deegaanada iyo Gobolada somaliland waxa maanta oo sabti ah ka furmaya Imtixaanada Shaadiga ah ee fasallada Afaraad ee Dugsiga Sare iyo Fasalka 8aad ee dugsiga hoose dhexe Ee Somaliland.
Imtixaanka shaadiga ah ayaa sanad kasta looga fadhiista Somaliland balse sanadkan Imtixaanka loogama fadhiisan doono Gobolka Sool .
Wasaarada Waxbarashada Somaliland ayaa hore usheegtay in ardeyda Gobolka Sool aanay ufadhiisan doonin Imtixaankan Sababo la xidhiidha dagaalada ka socday mudooyinkii dambe Gobolkaasi Isla markaana waxay wasaaradu sheegtay in Ardeyda Gobolka Sool Natiijadooda loogu qiimeyn Doono Imtixaanadii ay Hore ugaleen.