Somalia oo Somaliland u aqoonsatay khataraha Amni ee ay wajahayso.

Dawladda Somalia, ayaa khataraha amni ee ay wajahayso ku sheegtay 8 qodob oo ay maanta soo saareen Golaheeda Wasiirradu.

Sideedan qodob ayaa waxa qodobka labaad ee khataraha ay wajahayso ku tilmaamtay Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo qodobkan sheegay ama ugu magac daray aragtida gooni-goosadka, halka qodobka koowaadna ay ku sheegeen argagixisada.

Hadalkan Somalia ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii u dambeeyey la sheegayo in Somaliland aqoonsi ka helayso Itoobiya.

Somalia ayaa si weyn uga soo horjeeda isfahankii dhex maray Somaliland iyo Itoobiya oo ay u aragto mid aqoonsi u horseedaya Somaliland oo madax banaanideeda kala soo noqotay Somalia, markii ay fashilantay midnimadii laba dhinac ee 1960-kii.