Shirweynaha 4-aad ee Heer Qaran: Shaqo-Abuurka iyo Shaqada, 2025


Shirweynaha Qaranka Soomaalilaan ee abuurista shaqooyinka iyo shaqaalaha ayaa kalkiisii 4-aad ka maanta billowday Hargeysa kaas oo ay soo abaabushay Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee JSL. Shirka noocan ah ayaa Wasaaraddu sannadkii ba mar qabataa, kaas oo looga arrinsado abuurista fursadaha shaqo ee dhalinyarada, horumarinta xirfadaha shaqo iyo kobcinta xeerarka la xidhiidha shaqooyinka iyo shaqaalaha rayid ka.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan xukuumadda Soomaalilaan kuwaasoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro u horreeyo sidoo kale waxa ka soo qeybgalay Saraakiil ka tirsan shirkadaha dalka iyo marti-sharaf kale. Mas’uuliyiinu waxay tilmaameen sidii loo kobcin lahaa fursadaha shaqo ee dhalinyarada Soomaalilaan iyo xoojinta xirfadaha shaqo abuurka si loo horumariyo kobaca dhaqaale ee dalka Soomaalilaan.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhallinyarada Soomaalilaan oo u ah 70% bulshada dalka, ay la dhibanyihiin shaqo la’aan baahsan oo jirta, taasoo ay sabab u tahay adeeg la’aanta dawladeed iyo fursadaha shaqo aad u liita oo gaadhsiisan 20% sida lagu sheegay ( Youth Employment Statistics in Africa in 2023; Youth Unemployment and Security in Hargeisa Survey in 2018). Sidoo kale Qaraabakiil jira ayaa u sabab ah in dhallin badan oo waxbaratay ay shaqo la’aan yihiin. Waxa kale oo caqabad jirta ah in tacaddiyo badan ay ka jiraan goobaha shaqada. Shaqaale badan ayaa si arxan darro ah looga faa’iidaystaa waqtigooda iyo aqoontooda si mushahar la’aan ah taasoo dhallin badan niyadjab ku ah. Xeerka shaqaalaha rayid ka ah ayaa u muuqda mid aan ka shaqayn goobaha shaqada

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbigiisa Waddani xilligii doorashada waxay ku ololeeyeen kobcinta fursadaha shaqo ee dhalinyarada Soomaalilaan, sida ay buugga barnnaamijka xisbiga ku xuseen waxay balanqaadeen ” 25% ayaa ay hoos u dhigi doonaan shaqo la’aanta jirta ee dhallinyarada”.


Mar uu Madaxweynuhu ka hadlayay madasha shirweynaha wuxuu yidhi;

“Waxaan farayaa Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada in ay hubiyaan mushaharka shaqaalaha dalka si aanay u dhicin kala sarrayn dhanka wiilasha iyo gabdhaha ahi”.

Dhanka kale Wasiiradda Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Marwo Milgo iyadoo ka hadlaysa muhiimadda shirkan waxay tidhi;


” Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshadu waxay ku heellan tahay hirgelinta shaqo abuur badan, annagoo la kaashanaynaa hay’adaha maxalliga ah iyo baananka caalamiga ah, si aanu in badan oo dhallinteena kamid ah u gu samayno shaqo abuur”.