Ugu yaraan 288 qof ayaa hadda la og yahay inay ku dhinteen 900 oo kalena ay ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay bariga gobolka Odisha ee dalka Hindiya, sida ay saraakiishu sheegeen.
Mid ka mid ah tareennada rakaabka ah ayaa loo malaynayaa inuu ka baxay jiidka u kusocday ka hor inta aanu Tareen kale oo jidka ku xiga marayay kudhicin dabayaaqadii Jimcihii.
Waa shilkii ugu xumaa ee tareen ee Hindiya soo mara qarnigan. Saraakiisha ayaa sheegay in la filayo in dhimashadu ay intaas ka sii badato.