ATHENS —
Laba tareen oo isku dhacay waddanka Giriiga ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 32 qof 85 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay sheegtay kooxda Dab-damiska, laakiin sababta shilkan tareen oo noqonaya kii ugu dhimashada badnaa ee soo mara Dalka Giriiga muddo tobanaan sano ah ayaan weli caddayn.
Tareen rakaab ah oo kasoo baxay magaalada Athens kuna socday waqooyiga magaalada Thessaloniki ayaa si xawli ah ugu dhacay tareen xamuul ah meel ka baxsan magaalada Larissa ee bartamaha Giriiga, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Thessaly.
Shilkan ayaa sababay in uu dab ka kaco qeybta rakaabka ah, waxaana gubtay dad badan oo rakaab ahaa, kuwaasi oo loola cararay Cusbitaalada.
“Waxaan maqalnay jug weyn, (waxay ahayd) 10 ilbiriqsi oo qarow ah,” ayuu yiri Stergios Minenis, oo ah 28 jir ka mid ahaa rakaab oo ka badbaaday shilkan.
1972, shil kale oo Tareen ah oo ka dhacay dalka Giriiga 19 qof ayaa ku dhintay kadib markii laba tareen ay isku dhaceen meel ka Durugsan Larissa.
Be the first to comment