Khasaaro dhimasho iyo dhawac isugu jira ayaa laga cabsi qabaa kadib markii ay isku dhaceen tareen iyo bas rakaab ah magaalada Lagos ee xarunta ganacsiga Nigeria, sida ay sheegayaan warbaahinta maxalliga ee dalkaas
Shilkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay isgoys tareen oo ku yaalla deegaanka Ikeja ee magaalada Lagos
Goob joogayaal ayaa sheegay in basku uu markii hore ku dhacay tareenka.
Muuqaalo iyo sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dadweyne aad u fara badan oo goobta ka ag-dhawaa iyo rakaab ay dhaawacyo ka muuqdeen
Ma cadda tirada dhimashada balse baska waxaa la socday shaqaale ka tirsan dowladda Lagos, sida ay wararku sheegayaan.