Shaxda Adag Ee Manchester United Kula Ciyaari Doonto Arsenal Oo SADDEX Saxeex Oo Cusub Ku Jiraan

Manchester United ayaa ka hor ciyaarta Axadda ee Arsenal waxay gacanta ku dhigtay saddex ciyaartoy oo cusub oo ay isku xoojisay, iyadoo sidoo kalena uu taam usoo noqday Rasmus Hojlund oo xagaagan ay £72 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Atalanta, balse dhaawac ku seegay saddexdii ciyaarood ee hore. Erik ten Hag ayaa saxeexyadii cusbaa ee ay kooxdiisu samaysay la tegi doona Emirates Stadium, waxaana uu samayn doonaa kala-doorashooyin iyo go’aamo si uu u helo xiddigaha uu kula dagaallamayo Gunners.

Tababaraha reer Netherlands oo saxaafadda la hadlayay ayaa yidhi: “Haa, Hojlund waa taam oo wuu joogaa ciyaarta Arsenal. Tababarka si fiican ayuu u qaadanayay, maantana midkii ugu dambeeyey ayay ciyaartoydu samaynayaan. Sidaa daraadeed, waa diyaar ciyaarta Axadda.”

Weeraryahanka reer Denmark ayaa waxa la filayaa in uu kusoo bilowdo weerarka dhexe, sidoo kalena wxa difaaca bidix diyaar u ah Sergio Reguilon oo ay amaah kaga soo qaateen Tottenham, kaas oo buuxin doona boosaska ay banneeyeen Luke Shaw iyo Tyrell Malacia oo labaduba dhaawac ah.

Saxaafadda ayuu la hadlay Reguilon waxaanu sheegay inuu u diyaarsan yahay inuu buuxiyo booskaas, isla markaana uu tayooyinkiisa tusin doono qof kasta.

Waxa kale oo ay Manchester United xalay dhamaystirtay xiddiga khadka dhexe ee reer Morocco ee Sofyan Amrabat oo la filayo inuu ka gara ciyaari doono Casemiro, inkasta oo laga yaabo inay waqti hore ku noqoto ciyaartani.

Sida uu qorshuhu yahay, Erik ten Hag ayaa kusoo bilaabi doona goolhaye Andre Onana iyo afarta difaaca ah ee Victor Lindelof oo beddelaya Varane oo dhaawac ah, Lisandro Martinez, Sergio Reguilon iyo Aaron Wan-Bissaka.

Khadka dhexe ee uu dhaawaca kaga maqan yahay Mason Mount, waxa isku heli doona Casemiro, Sofyan Amrabat iyo Bruno Gernandes oo ka horreyn doona, halka weerarka Marcus Rashford iyo Antony uu u dhaxayn doono Rasmus Hojlund.