Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu ku qaabbilaysa Liverpool oo ay lugtii hore ee Anfield kusoo garaacday 5-2. Midkooda soo badiya ayaa iska xaadirin doona wareegga siddeedda Champions League.
Carlo Ancelotti ayaa kusoo galay shax adag oo ay hoggaaminayaan Karim Benzema, Vinicius Junior iyo Federico Valverde, iyadoo khadka dhexena ay ku midaysan yihiin Luka Modric, Toni Kroos iyo Eduardo Camavinga.
Real Madrid ayaa waxay doorbidday in aanay halis gelinin difaaca bidix ee reer France ee Ferland Mendy oo kusoo laabtay kooxda kaddib laba bilood iyo dheeraad uu dhaawac ahaa, waxaana booskiisa ka ciyaaraya Nacho Fernandez halka difaaca dhexena ay wada taagan yihiin Antonio Rudiger iyo Eder Militao oo uu dhinaca midig kasii xigo Dani Carvajal.
Jurgen Klopp ayaa isaguna kusoo galay afar weeraryahan si ay culays badan u saaraan difaaca Real Madrid oo ay u raadiyan guul soo laabasho ah.
Mohamed Salah, Darwin Nunez, Diogo Jota iyo Cody Gakpo ayaa kusoo wada bilowday afka hore, halka khadka dhexe oo ay dhawr ciyaartoy dhaawac kaga maqan yihiin ay ka wada ciyaarayaan Fabinho iyo James Milner.
Difaca ayaa waxa Van Dijk iyo Ibrahima Konate kala ciyaaraya Alexander-Arnold iyo Andy Robertson.
Shaxda rasmiga ah ee Real Madrid
Real Madrid XI: Thibaut Courtois, Dani Carvajal, Eder Militao, Antonio Rudiger, Nacho Fernandez, Eduardo Camavinga, Toni Kroos, Luka Modric, Federico Valverde, Vinicius Junior iyo Karim Benzema.
Kaydka: Andriy Lunin, Jesus Vallejo, Eden Hazard, Marco Asensio, Alvaro Odriozola, Lucas Vazquez, Aurelien Tchouameni, Dani Ceballos, Rodrygo Goes, Ferland Mendy, Mariano Diaz iyo Alvaro Rodriguez.
Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Virgil Van Dijk, Ibrahima Konate, Andy Robertson, Fabinho, James Milner, Cody Gakpo, Diogo Jota, Mohamed Salah, Darwin Nunez.
Kaydka: Adrian, Kelleher, Gomez, Matip, Williams, Tsimikas, Keita, Jones, Elliott, Oxlade-Chamberlain, Firmino, Carvalho.