Zinedine Zidane ayaa iska diidaya inuu tababare u noqdo Chelsea oo wali raadinaysa macallinkii u beddeli lahaa Graham Potter oo shaqada laga eryey Axaddii toddobaadkan, sababta uu Zinedine Zidane u qaadanayo go’aankanna waxa sharraxaad ka bixiyey saaxiibkiisii hore ee xulka qaranka France ee Emmanuel Petit oo ay ku wada guuleysteen Koobkii Adduunka 1998.
Chelsea oo lala xidhiidhinayo tababareyal dhawr ah sida Julian Nagelsmann, Luis Enrique iyo Mauricio Pochettino, ayaa waxay ka quusan doonaan Zinedine Zidane oo aan mrnaba ogolaanayn inuu tago kooxda reer London.
Zidane oo hore loola xidhiidhiyey Chelsea waqtigii ay eryeen Thomas Tuchel, ayaa waxa uu Emmanuel Petit sheegay in ay jirto sabab dhab ah oo Zinedine Zidane aanu u tegi doonin horyaalka Premier League waqqtigan.
Petit ayaa waxa uu yidhi: “Zinedine Zidane ma iman doono Chelsea. Ma garanaysaan Sababta? Sababtu waa i aanu ku hadali karaynin luuqadda Ingiriisida.
“Muddo dheer ayaanu is-naqaanay Zidane, qaabkaa uu ciyaartoyda u maamulo, aad ayuu ugu dhow yahay ciyaartoydiisa oo wuu la saaxiibaa, mar walbana wuu la hadlaa ciyaartoydiisa.
“Waxa uu doonaa in xidhiidhka iyo wada-hadalku ay muhiim u noqdaan, aad ayaanay ugu yihiin, mana jecla inuu qof kale u turjumaano, hore ayaanu u sheegay.”
Si kastaba, Zinedine Zidane ayaa hore u sheegay in aanu tegaynin horyaalka Premier League waqti lala xidhiidhinayay Manchester United, sababtana waxa uu ku sheegay inay tahay luuqadda Ingiriiska oo aanu ku fiicnayn.