Wargayska World Street Journal ayaa qoray in hay’adaha sirdoonka ee Maraykanku bixiyeen digniin ku saabsan in Ruushka uu kooxda Xuutiyiinta ee Yemen siinayo gantaallada casriga ah ee lidka maraakiibta gaar ahaan nooca P-800 Oniks, taas oo uu kaga jawaabayo taageerada Maraykanku ku siinayo hubka Ukraine.
Arrintan ayaa walaac weyn ku abuurtay saraakiisha Mareykanka.
Maamulka Biden wuxuu ka walaacsan yahay in hubkani uu si weyn u kordhin karo awoodda Xuutiyiinta ee beegsiga maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas, taas oo khatar gelin karta maraakiibta ciidamada badda ee Mareykanka.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Dhexe ee Mareykanka, Jeneraal Michael Erik Kurilla, wuxuu ka digay in hawlgallada hadda ee Mareykanka ka dhanka ah Xuutiyiinta aysan ku filnayn, isagoo soo jeediyay in loo baahan yahay jawaab ciidan oo xooggan si looga hortago weerarrada dheeraadka ah.
Xuutiyiintu horeyba waxay u haystaan gantaallo kala duwan oo ah nooca lidka maraakiibta ah, laakiin helitaanka gantaallada casriga ah ee Ruushka waxay kordhin doontaa awooddooda ay ku beegsan karaan maraakiibta si wax ku ool ah. Gantaalladani waxay u adeegi karaan inay khatar geliyaan maraakiibta ciidamada badda ee Mareykanka.