Erling Haaland ayay indhuhu si gaar ah u hayn doonaan caawa marka ay kooxdiisa Manchester City garoonka Etihd Stadium ku qaabbiso Bayern Munich lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, sababtoo ah rikoodhka murugada leh ee uu laacibkani ka haysto Bavaria.
Man City iyo Bayern Munich oo ah labada kooxood ee sida weyn loogu saadaalinayo ku guuleysiga Champions League ayay midkood usoo gudbi doontaa wareegga xiga ee semi-finalka, halka midkooda kalena uu macasalaamayn doono tartanka.
Pep Guardiola ayaa ka hor tegaya kooxdiisii hore ee Munich, sidoo kalena Joao Cancelo ayaa fasax loo siiyey inuu ka hor tago kooxdiisa Man City oo uu ka aargoosto Pep Guardiola oo xurguf u dhaxaysay uu uga tegay Etihad Stadium, balse waxa kale oo ay diiraddu ku jeedi doontaa Erling Haaland.
Weeraryahanka reer Norway oo inta badan la saaxiibay shabaqa kooxihii uu u ciyaaray ayaa waxa habaar ku noqotay Bayern Munich oo illaa hadda aanu wax guul ah ka gaadhin, marka la isku daro waqtigiisii Borussia Dortmund iyo intii ka horreysay ee RB Salzburg.
Isu-geyn, Haaland ayaa waxa uu ka hor tegay Bayern Munich toddoba jeer oo dhamaantood uu u ciyaarayay Borussia Dortmund. Shan ka mid ah waxay ahaayeen horyaalka Germany ee Bundesliga iyo labada ciyaarood ee kale oo ahaa German Super Cup.
Dhamaan toddoba ciyaaroodba isku natiijo ayay ahaayeen, waxaana guuleysatay Bayern Munich halka Erling Haaland uu dhamaan kulamadan ka baxay garoonka isaga oo murugaysan.
Rikoodhkiisa Bayern Munich waa mid madow oo guul-darrooyin kali ahi ku qoran yihiin, waxaana la eegi doonaa haddii uu caawa awoodi doono inuu soo afjaro rikoodhkaas.