Qaramada midoobey oi walaac ka muujisay Xaalka Gobolka sool ee Somaliland.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay golaha.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shacab badan ay ku dhiteen colaadda ka taagan Laascaanood, ilaa iyo 150,000 oo qofna ay ku barakaceen.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay heshiis xabad joojin ah gaadhaan, waxayna booriyeen wada-hadal loo dhanyahay oo colaadda nabad ku soo dabbaala.

VOA