Putin oo shaaciyay in hub uu ku rakibayo dalka Belarus.

Tiro yar oo hannaanka gantaallada Iskander oo xeelad dagaal ah, kuwaas oo loo adeegsan karo in lagu rido hubka nukliyeerka, ayaa la geeyay waddanka Belarus, ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Madaxweynaha waddanka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in xeelad dagaal aawadeed uu dalkiisa hub nukliyeer ah ugu rakibi doono waddanka Belarus.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in tallaabadaasi aanay ku xadgudbi doonin heshiiskii dhimista hubka nukliyeerka, isagoo isbarbardhig ahaan u soo qaatay sida Mareykanka uu hubkiisa u keeno Yurub, sida lagu shaaciyay warbaahinta qaranka Ruushka.

Moscow maamulka hubkeeda uma wareejin doonto Minsk, ayuu Putin sii raaciyayhadalkiisa.

Mareykanka ayaa sheegay in aanu rumaysnayn in Ruushku uu isu diyaarinayo isticmaalka hubkaasi nukliyeerka kaddib shaacinta rabitaankiisa.

Maamulka ka arrimiya waddanka Belarus ayaa xulafo aad u dhaw la ah maamulka Kremlin-ka ka taliya, waxaana ay taageereen duullaankii Ukraine.

Madaxweyne Putin ayaa taleefishinka qaranka ee Ruushka usheegay in hogaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko uu muddo dheer soo hadal qaadayay arrinta ah in xeelad dagaal ahaan hubka nukliyeerka loogu rakibo gudaha dalkiisa.

“Arrintaas waa iska caadi,” ayuu yidhi. “Marka koobaad, Mareykanku muddo tobannaan sanadood ah ayuu sidan oo kale samaynayay. Muddo dheer ayey xeelad dagaal ahaan hubkooda nukliyeerka ugu soo daabulayeen dhulka dalalka ay xulafada yihiin.”

Ruushka ayey u badan tahay inuu 1-da July dhammaystiro dhismaha goobta lagu rakibi doono hubka nukliyeerka ee la dhigi doono Belarus, ayuu sii raaciyay Madaxweyne Putin.

Tiro yar oo hannaanka gantaallada Iskander oo xeelad dagaal ah, kuwaas oo loo adeegsan karo in lagu rido hubka nukliyeerka, ayaa la geeyay waddanka Belarus, ayuu yidhi Madaxweyne Putin.

muu caddayn wakhtiga hubkaasi la gayn doono Belarus. Gaynta hubkaas-se waxa uu noqonayaa midkii ugu horreeyay tan iyo badhtamihii 1990-meeyadii markaas oo Mocsow ay hub nukliyeer ah u yaalleen meel ka baxsan dalkeeda.

Burburkii Midowgii Soofiyeet 1991 ayaa hubka nukliyeerka waxa uu yaallay afar dal oo markaas xor noqday – Ruushka, Ukraine, Belarus iyo Kazakhstan – iyadoo 1996 la soo afjaray dib u soo celinta hubkaasi ee Ruushka.

Hadalka madaxweyne Putin ayaa imanaya xilli madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu soo cusboonaysiiyay codsigiisii ahaa in xulafadiisa reer Galbeedku ay siiyaan taageero dheeraad ah oo milateri.

Horraantii todobaadkii tegay, illaa 18 dal ayaa saxiixay heshiis ay dalkaas uu dagaalka la degay muddo sannad ah ku siinayaan ugu yaraan hal milyan oo Aaltalari.

Hasayeeshee wareysi uu madaxweyne Zelensky siiyay wargeys ka soo baxa waddanka Japan, ayuu ku sheegay in Ukraine ay suuragal tahay in bariga dalkaasi aanay ka qaadin duullaan rogaal-celis ah illaa ay ka imanayso rasaas dheeraad ahi.