Kooxda caasimada France ee Paris Saint-Germain ayaa la sheegayaa inay gaadhay go’aankeeda la xidhiidha weeraryahankeeda Lionel Messi oo aysan isku fiicnayn dhawaanahan.
Messi ayaa ku jira xilli ciyaareedkii dambe ee heshiiska labada sano ah ee uu PSG 2021 qalinka ugu duugay balse waxa jiray sanad dookh ah oo la kordhin karo haddii labada dhinac isku raacaan.
Xilli ciyaareedkan ayaan ahayn mid markale wixii uu filayay Leo ugu hirgaleen Parc des Princes iyadoo ay xusid mudantahay in xataa jamaahiirta kooxdu ku oriyeen iyagoo u haystay ka hadhitaankoodii Champions League.
Waxa arrinta sii xumeeyay fasax uu dhawaan Messi ku tagay dalka Saudi Arabia kaddib guuldarradii 1-3 ahayd ee kasoo gaadhay Lorient, Leo ayaa la sheegay inuusan wax ogolaansho ah ka haysan kooxda markii uu u baxayay safarkaas.
Paris ayaa xalay shaacisay war weyn oo ah in Messi safarkaas amar la’aanta ah lagu ganaaxay laba toddobaad oo uu kooxda ka maqnaan doono iyadoo warbaahinta France xataa sheegayso inuusan wax mushahar ah qaadan doonin mudadaas.
Haddaba, wargeyska L’Equipe ee French-ka ah ayaa sheegaya in PSG ay ka quusatay Messi isla markaana gaadhay go’aanka ah inaysan wax heshiis cusub ah u bandhigin.
Messi ayaa si xoogan loola xidhiidhinayaa ku laabashada kooxdiisii Barcelona balse wali ma cadda haddii ay dhaqaale ahaan awoodi doonto saxeexiisa.