Taageereyaasha kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa falcelin degdeg ah ka sameeyey garooraha loo magacaabay inuu qabto ciyaarta xaasaasiga ah ee Axadda ay ku ballansan yihiin Liverpool iyo Arsenal ee horyaalka Premier League, taas oo maamulka garsooreyaasha Premier League ay u xuleen siidhiwale ay naceb yihiin jamaahiirta Arsenal.
Taageereyaasha kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa falcelin degdeg ah ka sameeyey garooraha loo magacaabay inuu qabto ciyaarta xaasaasiga ah ee Axadda ay ku ballansan yihiin Liverpool iyo Arsenal ee horyaalka Premier League, taas oo maamulka garsooreyaasha Premier League ay u xuleen siidhiwale ay naceb yihiin jamaahiirta Arsenal.
Liverpool ayaa iyaduna rajaynaysa inay dib usoo qabsato xadhigga guusha maadaama afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey aanay wax guul ah arag oo saddex ka mid ah ay ka badiyeen Manchester City, Real Madrid iyo Bournemouth, sidoo kalena ay xalay barbarro ku qabatay Chelsea.
Labada kooxoodb shaqo adag ayaa u taalla, ciyaartana waxay u tahay xaasaasi wax badan usoo kordhin karta, ama wax badan ka galaafan kaarta.
Premier League ayaa waxa uu ciyaartan u doortay inuu dhaxdhaxaadiyo garsoore Paul Tierney oo ay indhuhu hayn doonaan, iyadoo 42 jirkan ay hore fartu ugu godnayd marka ay noqoto dhinaca Arsenal.
Waxa caawin doona oo calan-wadeyaasha kulankan noqonaya Constantine Hatzidakis iyo Scott Ledger halka Caragi Pawson uu isaguna yahay garsooraha afraad. Chris Kavanagh iyo Stockly Park ayaa ahaanaya garsooreyaasha VAR.
Tierney ayaa dhacdooyin hore oo aan fiicnayn looga soo diiwaangeliyey kulamadii uu hore ugu soo qabtay Arsenal iyo Liverpool sanndihii u dambeeyey.
Bishii September ayaa waxa uu hayay ciyaartii Arsenal ay safarka ugu tagtay Manchester United ee lagu soo karbaashay 3-1, waxaanay ahayd guul-darradii koowaad ee Arsenal soo gaadha xilli ciyaareedkan.
Laba gool oo uu qaybtii dambe dhaliyey Marcus Rashford ayaa Manchester United siiyey saddexda dhibcood, laakiin go’aan waalli ah oo ka cadhaysiiyey Arsenal ayaa ahaa markii iyada oo uu Gabriel Martinelli gool u dhaliyey qaybta hore uu garsooruhu qabtay qalad diciif ahaa oo uu Martin Odegaard sameeyey iyadoo waliba qaladaad ka waaweyn uu sii daayey.
Martin Odegard oo ka hadlay dhacdadaas ayaa yidhi: “Aniga aragtidayda ma ahayn qalad, waxay ila tahay in uu garsooruhu arkayay, waxa uu ahaa loollan fudud laakiin VAR way sii caddayn karaysay.’
Dhinaca kale, Jurgen Klopp ayay shaqsi ahaan isku neceb yihiin Tierney. Ciyaartii Tottenham iyo Liverpool ee December 2021 kusoo dhamaatay 2-2, Klopp ayaa ku gadooday garsooraha markii uu kaadh casaan ah siiyey Andy Robertson oo taakal ku qabtay Emerson Royal, laakiin waxa uu isla kulankaas casaan ka daayay Harry Kane oo sameeyey taakal la mid ahaa ka lagu saaray Andy Robertson.
Waxa kale oo uu sial ciyaartaas rikoodhe ka diiday Diogo Jota halka Jurgen Klopp uu u taagay kaadh markii uu ka mudaharaaday go’aanka Tierney.
Klopp oo saxaafadda la hadlay ayaa yidhi: “Anigu wax dhibaato ah kuma qabo garsooreyaasha kale, laakiin adigu dhibaato ayaad igu tahay.
Si kstaba, Paul Tierney ayaa waxa uu noqonayaa tababaraha haynaya ciyaarta Liverpool iyo Arsenal ee Axadda, waxaana durba dookha Premier League baraha bulshada kaga falceliyey taageereyaasha labada kooxood.