Odayaasha Uu Ka Soo Jeedo Sarkaal Lowyacado Lagu Dilay Oo Sheegay In Aanay Meteli Dadkii Boorama Ka Mudahaaraday.

Odayaasha Uu Ka Soo Jeedo Sarkaal Lowyacado Lagu Dilay Oo Sheegay In Aanay Meteli Dadkii Boorama Ka Mudahaaraday


Odayaasha iyo Waxgaradka uu ka soo jeeday Alle ha u naxariistee Marxuum Saddex Xadhigle Khadar Maxamed Caynaanshe oo dhawaan lagu dilay Lowyacado, ayaa sheegay in aanay iyaga meteli dadkii mudaharaadka ka sameeyey Magaalada Boorama, waxaanay sheegeen in ay sugayaan xukunka lagu fuliyo gacan ku dhiiglihii dilka u geystay Sarkaalkaasi.


Odayaashan oo ka hadlay Boorama waxa ay iska fogeeyeen in aanay dadkaasi rabshada sameeyey ahayn kuwo kiiskaa taagan ku metelayey iyaga rabshada ay sameeyeen, waxaanay hoosta ka xariiqeen in ay doonayaan in ay weji kale u yeelaan hawshaasi oo ay xuseen in ilaa imika si wacan loo wado soo afjarideeda.


Odayaashan waxa kale oo ay sheegeen in reerka uu ka soo jeedo ninka wax dilay si fiican arrintaas uga hadleen, isla markaan ay sugayaan xukunka dawladdu fuliso.