Nuxurka 9 Qodob Oo Uu Raysal Wasaaraha Somalia Kaga Hadlay Xaaladda Siyaasaddeed Ee Puntland.

Nuxurka 9 Qodob Oo Uu Raysal Wasaaraha Somalia Kaga Hadlay Xaaladda Siyaasaddeed Ee Puntland
Raysal Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Bare ayaa si adag uga hadlay xaaladda Siyaasaddeed ee wakhtigan ka taagan Puntland iyo weliba khilaafka ka dhex taagan Dawladda Fedaraalka ee Somalia iyo Maamulka Puntland.
Waxa aan halkan idinku soo koobaynaa nuxurka qodobada uu ka hadlay Raysal Wasaaruhu oo aanu sagaalkan qodob ku soo ururinay.

  1. In aanay Puntland maanta hormuud ka ahayn dawlad dhiska Somalia, caqabadna ku tahay geeddi-socodka hano qaadka Somalia
  2. In Puntland loo ogolaado in Hay’addaha Dawladda ee Federaalku ka shaqeeyaan, oo aan la odhan ma soo geli karaan
  3. In Aanay Puntland dhalinyaradii Deegaannada u ogolayn in shaqooyin loo abuuro, oo ay ka shaqeeyaan Dawladda Federaalka ah Hay’addooda
  4. In Puntland Madaxdeedu kala saaraan horumarka iyo Siyaasadda
  5. In aanay Somalia aqbalayn in ay Puntland fashiliso geedi-socodka dayn cafinta Somalia
  6. In aanay Arrinta cafintu siyaasadda ahayn, isla markaana ay Puntland ka fogaato in ay siyaasadayso.
  7. In doorashada Puntland noqotaa mid la wada ogol yahay, oo aanay cid gaar ahi wadan, isla markaana aanay noqon mid puntland u horseeda dhibaato iyo khilaaf siyaasaddeed
  8. In aanay Dawladda Federaalka ahi aanay raali ka ahayn, isla markaana aanay aqbalayn in wax aan raali laga wada hadlayn ka hir gesho Puntland
  9. In Puntland dagaal laga rido maaha in Dawladda Somalia aqbalayso, oo gargortan ka gelayso.