Saraakiisha Dowladda Serbiya ayaa sheegay in la dilay nin leeb ku weeraray askar ilaalineysay safaaradda ay Isra’il ku leedahay Magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia.
Wasiirka arrimaha gudaha Ivica Dacic oo weerarka ka hadlay ayaa sheegay in ninka leebka ku weeraray safaaraddu uu dhaawac halis ah gaadhsiiyay askari ka mid ah booliska ilaalinayay safaaradda.
Wuxuu kaloo uu sheegay in askariga uu leebku ka haleelay qoorta, balse isna uu dilay ninka weerarka soo qaadey ,Wuxuuna dhacdadaasi ku tilmaamay weerar ka dhan ah Serbia.
Wakaaladda wararka Serbia ee Tanjug ayaa ku warrantay in aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay shaqaalaha iyo diblamaasiyiinta safaaradda Isra’il ee Belgrade.