Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa go’aan cusub ka gaadhay mustaqbalkiisa Paris Saint-Germain ee shakiga la gelinayay muddooyinkii dambe, waxaana uu doortay in aanu koox kale oo aan ahayn naadigan aanu u ciyaarin inta ka hadhay xirfaddiisa kubadda cagta.
Les Parisiens ayaa waxay Neymar kusoo iibsatay €222 milyan oo Euro sannadkii 2017, waxaan illaa waqtigaas uu u dhaliyey 118 gool iyo 77 kale oo uu caawiyey isaga oo 173 ciyaarood u saftay.
Kooxda ayaa waxa la sheegay in aanay ku qanacsanayn hab-dhaqanka laacibkan iyo dhaawacyadiisa tirada badan oo sababay in ay ciyaartiisu hoos u dhacdo, iyadoo shantii sannadood ee uu joogay Parc des Princes uu dhaawac kaga maqnaaday 108 ciyaarood.
Sida uu qoray wargeyska The Athletic ee kasoo baxa waddanka UK, Neymar Jr ma doonayo inuu ka tago kooxdiisa PSG, waxaana uu qorshihiisu yahay inuu kaga fadhiisto kubadda cagta isla naadigan.
31 jirkan oo qandaraaskiisa PSG uu ku egyahay sannadka 2027, ayaa waxa uu doonayaa inuu dhamaysto heshiiskiisa, isla waqtigaasna uu ka fadhiisto kubadda cagta iyadoo ay da’diisu noqon doonto 35 jir.
Si kastaba ha ahaatee, Neymar ayaa muddadii uu joogay Paris Saint-Germain waxa uu kula guuleystay 13 koob, laakiin wax wali ka maqan Champions League oo aanay kooxda reer Frnace ku guuleysanin illaa hadda.