Magaalada Hargeysa waxa uu wada hadal uga bilaabmay Urur siyaasadeedka Talo-wadaag iyo Xisbiga Waddani iyagoo kawada hadli doona amuuraha doorashooyinka Somaliland.
Guddiyo ka kala socda labada dhinac ayaa maanta yeeshay fadhigoodi uhoreeyey ee ay isku waydaarsanayaan aragtiyaha siyaasiga iyo Amuuraha Doorashooyinka.
Dhawaan ayuu Xisbiga Waddani heshiis siyaasi ah wuxuu la saxeexday Ururka Kaah isagoo uballan qaadey saamiga 30% Dawladnimada haddii uu kursiga ku guuleysto xisbiga waddani
waxa la filayaa in labadan dhinac ee maanta wada hadalku ubilaabmay inay soo saaraan heshiiska ay gaadhaan .