Bannaanbax lagu taageerayo wax ka badalka Dastuurka Soomaaliya
oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya
Banaanbaxaas ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galaya madaxda maamulka gobolka, masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda iyo dadweyne kale oo aad u farabadan.
Dibadbaxa ayaa u jeedkiisu yahay in taageero loogu muujiyo qorshaha wax ka bedelka Dastuurka ee uu wado Madaxweynaha Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.