Muwaadiniinta Kenya oo looga digey Inay tagaan Dalka Myanmar.

Dowaldda Kenya ayaa uga digtay markale muwaadiniinteeda in aysan u safrin dalka Myanmar kaddib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo adoonsiga.

Myanmar waxay wajahday colaad muddo dheer socotay taas oo keentay in ay dhacaan kiisaska adoonsiga iyo dambiyada.

Safiirka Kenya ee Thailand, Kipness Lindsay Kimwole, ayaa ka dalbaday shacabka Kenya in aysan dal ku gal ka dalban Myanmar kaddib marka ay arkaan shaqooyinka beenta ah ee internet-ka la soo dhigo.

Waa markii 11-aad ee safaaradda Kenya uga digeyso muwaadiniinteeda in aysan aadin dalkaas ku yaal koonfurta Asia.

Safaaradda waxay sheegtay in 10 qof oo u dhashay Kenya ay hadda ku xayiran yihiin dalka halka kuwii afduubtay ay weydiisanayaan malaayiin doolar oo madaxfurasho ah si loo sii daayo.