Difaaca kooxda kubadda cagta Chelsea ee Kalidou Koulibaly ayaa farta ku fiiqay xiddiga Real Madrid ee ay kooxdiisu halista ugu badan kala kulmi doonto, isla markaana ay taxadar ka samayn doonaan marka ay habeen dambe ku booqdaan Santiago Bernabeu lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League. Chelsea oo ku dhibaatoonaysa Premier League ayaa maanta u safraysa magaalada Madrid oo ay Arbacada garoonka Santiago Bernabeu marti ugu noqon doonaan Real Madrid.
Xilli-ciyaareedkan oo Chelsea murugo ku ahaa, waxay ku jirtaa kaalinta 11aad ee horyaalka Premier League, dhamaan tartamadii kalena way ka hadheen, hase yeeshee fursadda kaliya ee ay xilli ciyaareedkooda ku badbaadin karaan waa Champions League oo ay ku guuleystaan.
Frank Lampard oo toddobaadkii hore loo magacaabay Chelsea ayaa waxa kulankiisii koowaad uu guul-darro 1-0 ah kala soo kulmay Wolves, waxaana uu Arbacada ka hor tegayaa tababarihiisii Carlo Ancelotti oo sannadkii 2010 u qaaday horyaalka Premier League iyaga oo ku wada sugnaa Chelsea.
Kalidou Koulibaly oo la hadlayay warbaahinta ka hor ciyaarta Real Madrid ayaa waxa uu sheegay inay u taallo shaqo adag oo ah inay joojiyan Karim Benzema oo uu si weyn u amaanay, waxaana uu ku tilmaamay laacibka ay khatarta ugu badan kala kulmi doonaan.
Benzema oo Real Madrid u ciyaaray 637 kulan una dhaliyey 348 gool, ayaa waxa uu xilli ciyaareedkii hore saddexlay ka dhaliyey Chelsea oo ay marxaladdan oo kale isku dhaceen, waxaanay goolashaasi ka caawiyeen inuu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or.
Koulibaly oo la hadlayay BBC Sports ayaa yidhi: “Saddex sannadood ka hor ayaan sheegay, in Benzema uu yahay weeraryahanka ugu wanaagsan adduunyada. Waxay noqon doontaa ciyaar adag balse waxa aan rajaynayaa in ay Chelsea guuleysan doonto oo ay ka gudbi doonto imtixaanka.
“Ujeeddadayadu waa in aanu guuleysano, balse way adkaanaysaa sababtoo ah iyagu waxay ku guuleysteen Champions League sannadkii hore. Waanu isku kalsoonahay koox ahaan iyo tababare ahanba.
“Anigu waan ku faraxsanahay Benzema, waxa uu tusaale wanaagsan u yahay dadka Muslimiinta ah ee sooman bisha Ramadaan, goolal ayuu dhaliyaa, bandhig fiicanna wuu sameeya. Waxa aan rajaynayaa in uu sii wadi doono gool-dhalinta laakiin Arbacada, maya.”