Musharaxa xisbiga Waddani oo ka hadlay xaalada Laascanood.

Xisbiga WADDANI xal uma arko xabad in lagu wajaho arrinta Laascaanood..” Musharrax Cabdiraxmaan Cirro

Musharaxa xisbiga wadani Dr cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro oo la hadlay warbaahinta qaybaheeda kala duwan ayaa ka hadlay Xaalada Dagaal ee maalmihii udambeeyey ka taagnayd Gobolka Sool isagoo Sheegay in ka xisbi ahaan Garab taagan yihiin Ciidamada Qaranka somaliland “Xisbiga WADDANi waxa uu cambaaraynaya farogelinta maamul goboleedka Puntland ee duullaanka gobolka Sool, waxaan ciidanka Qaranka ku barbar taaggan nahay sida ay isaga difaaceen wixii dibadda kaga yimaadda.

Dagaalka Laacsaanood waa dagaal sokeeye, dhimashada, dhaawaca iyo barakacu maaha wax la aqbali karo waa in la joojiyo, Laascaanood waxay noola mid tahay Hargeysa, Boorama iyo magaalooyinka kale.

Xisbiga WADDANI xal uma arko xabad in lagu wajaho arrinta Laascaanood..” Musharrax Cabdiraxmaan Cirro