Midowga Yurub oo ansixiyay $116 milyan oo loogu talagalay xasilinta Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa ansixiyay lacag gaadhaysa $116 milyan oo loogu talagalay barnaamijka xasilinta Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sheegay in 90 milyan oo dollar ay ku dari doonaan dhaqaalihii hore loo siinjiray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) sanadka 2023 halka lacagta soo hadhay oo ah 26 milyan oo doolar oo loogu talagalay ciidamada Soomaaliya (SNA).

Soomaaliya ayaa Dagaalo adag kula jirta ururka Al- shabaab oo in kabadan 15 sano ka dagaalamaayey gudaha dalka soomaaliya .