Shaqsiyaad badan oo dadka kubadda cagta falanqeeya ah ayaa halyeeyga ree France ee Theiry Henry la barbardhigay Kylian Mbappe markii xiddiga Paris Saint-Germain Monaco kasoo baxay dhawr sano kahor. Mbappe ayaa u muuqda haatan mid kaba wanaagsan heerkii markii hore la joojinayay ee Henry waxaana loo saadaalinayaa inuu hormood u noqon doono xiddigaha kubadda cagta qabsada sanadaha soo socda.
Haddaba, waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa isbarbardhiga xogta Henry iyo Mbappe ee markii uu halyeeyga French-ka ahi jiray da’da 24 ee haatan Mbappe jiro.
Aan ku bilawnee Mbappe ayaa haatan sagaal kulan dheer tirada kulamadii Henry ciyaaray wakhtigaas iyagoo kala dheelay 379 kulan iyo 388 kulan. Kylian ayaa aad uga tagay Henry isbarbardhiga dhinaca goolasha, 24 sano jirka Paris ayaa waayihiisa ciyaareed durba 276 gool leh halka Henry wakhtigaas ka lahaa 138 gool.
Si lamid ah goolasha, Kylian ayaa sidoo kale Henry kaga wanaagsan dhinaca gool caawinta isagoo waayihiisa ciyaareed ee wali bilawga ah 138 caawimo soo sameeyay halka Henry wakhtigaas lahaa 52 caawimo.
Ugu dambayn, Mbappe oo dhinac kasta kaga wanaagsan Henry markii uu da’diisa ahaa ayaa durba 15 koob haysta halka Henry wakhtigaas 7 koob haystay.