Mareykanka oo joojinaya dadka sharci darrada kusoo galaya Dalkaasi.

Madaxweyne Joe Biden ayaa lagu wadaa in uu soo saaro amaro culus oo lagu xakameynayo qulqulka soogalootiga sharci darrada ku soo gala Mareykanka.

Amarkan la qorsheeyey ayaa laamaha socdaalka awood dheeri ah u siinaya in ay si degdeg ah u tarxiilaan dadka soogalooyiga ah, siiba kuwa ka soo tallaaba soohdinta dalkaasi la wadaago Meksiko, islamarkaana aan la tixgelin codsiyadooda magangelyo.

In ku dhow Lix milyan iyo Badh soogalooti ah ayaa la joojiyey iyagoo ka soo gudbaya xaduudda Mareykanka mudadii uu xilka hayey maamulka Biden, taas oo u nugleysey dacaayado lagu durayo karaankiisa, gaar ahaan xilligan oo uu olole ugu jiro dib u doorasho.

Telefishinka CBS ayaa wariyey madaxweyne Biden uu muddaba ka fikirayey adeegsiga sharciga 1952 kaas oo u ogolaanaya in uu xaddido nidaamka magangelyada Mareykanka.
Sharcigan ayaa madaxweynaha Mareykanka siinaya awoodo u uku hakin karo shisheeyaha dalka soo galaya, haddii uu u arko in imaanshoodu uu halis ku yahay danaha dalka