Maxkamadda sare ee Tokyo ayaa sheegtay in Iwao Hakamada oo 87-sano jir ah, oo in ka badan 45 sano ku qaatay xukun dil ah, kaddib markii lagu helay dambi dil ah, in dib loo soo celiyo.
Hakamada ayaa la siiyay “si ku meel gaadh ah” bishii march 2014 ka dib markii caddaynta cusub ee DNA-da ay shaki weyn gelisay in la isku halleyn karo xukunkiisa, maxkamadda markii hore ku xukuntay isaga ayaa soo jeedisey in dib loo eego.
Hakamada walaasheed ka weyn Hideko, oo sanado u ololeyneysay walaalkeed, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay horumarka .
“Waxaan sugayay maalintan 57 sano, wayna timid,” 90-jirka ayaa yidhi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP. “Ugu dambayntii culays baa garbahayga laga qaaday.”
Hideaki Nakagawa, oo ah agaasimaha Amnesty International Japan, ayaa sheegay in xukunka uu ahaa “fursad waqti dheer laga soo daahay” oo cadaalad loogu heli karo feedhyahankii hore.
“Xukunka Hakamada wuxuu ku salaysan yahay ‘ qirasho’ qasab ah, waxaana jira shaki weyn oo ku saabsan caddaymaha kale ee loo adeegsaday isaga,” Nakagawa ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. “Laakiin isagoo da’diisu tahay 87, weli lama siin fursad uu kaga doodo xukunka ka dhigay inuu ku sii jiro khatarta joogtada ah ee godka inta badan noloshiisa.”