Maxay yihiin waftiga Ruushku udirayo kuuriyada waqooyi ?

Bishii September ee sanadkii 2019-kii hay`adda Qaramada Midoobay ee Cunnada iyo Beeraha (FAO) ayaa sheegtay in wax soo saar liita oo bariiska iyo galleyda ah uu sababay in wax ka badan toban milyan oo qof ay u baahdaan gargaar.

Ruushka ayaa wafdi u diraya Kuuriyada Waqooyi si uu raashinkiisa ugu baddasho hub, sida laga soo xigtay afhayeenka amniga qaranka ee Mareykanka, John Kirby.

Mr Kirby ayaa sheegay in heshiis kasta oo dhanka hubka ah oo dhex mara Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu kasoo horjeedo xeerarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Mareykanka ayaa horay ugu eedeeyay xukuumadda Pyongyang in ay hub siiso militariga Ruushka ee ka dagaallamaya Ukraine iyo kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner.

Kuuriyada Waqooyi ayaa horraan beenisay eedeymaha loo jeediyay in hub ay siiso ciidamada Ruushka.

Afhayeenka amniga qaranka ee Mareykanka, John Kirby oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa sheegay in Maraykanka uu xog cusub oo ku saabsan heshiiska ay wada gaareen xukuumadaha Moscow iyo Pyongyang.

“Waxaan sidoo kale fahansannahay in Ruushka uu damacsan yahay in wafdi uu u diro Kuuriyada Waqooyi iyadoo Ruushku uu raashinkiisa ku baddalanayo hubka Kuuriyada Waqooyi” ayuu yiri Kirby.

Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in Mareykanka uu si dhow ula socdo xaaladda labada dhinac iyo heshiiska la sheegay.

Kuuriyada Waqooyi waxay kamid tahay dalalka ugu saboolsan adduunka, waxaana soo wajahay gabaabsi dhanka cuntada ah daba dheeraatay muddo tobanaan sano ah, dalkan waxaa sanadihii sagaashamaadkii saameysay macaluul ba’an.

Bishii February, khuburada ayaa ka digay dalkan oo uu ka taliyo mid kamid ah hoggaamiyeyaasha kaligii taliska ah inay soo food saartay cunto la’aan aad u daran kadib markii hoos u dhac weyn ku yimid wax soo saarka beeraha dalka- iyadoo uga sii dartay dhibaatooyinka ka dhashay isbaddallada cimilada, xayiraadda adag ee xuduudda iyo saameynta cunaqabateynta saaran dalkaasi.

Sawirro lagu soo qaaday dayax gacmeedka oo ka yimid dhinaca Kuuriyada Waqooyi ayaa muujinayaa in Kuuriyada Waqooyi ay soo saartay wax ka yar 180,000 tan oo raashiin ah sanadkii 2022-kii taasoo ka yar wax soo saarkii 2021-kii.

Dhawaan ayay aheyd markii , waaxda maaliyadda Mareykanka ay liiska madow ku dartay nin u dhashay dalka Slovakia oo ka dhex dilaalayay Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Waaxda maaliyadda waxay sheegtay in Ashot Mkrtychev oo 56 jir ah uu isku dubba-riday heeshiis ganacsi oo ku saabsan sidii Kuuriyada Waqooyi ay hub ugu geyn laheyd Ruushka dabayaaqadii sanadkii hore iyo sanadkan.

Taas beddelkeeda xukuumadda Pyongyang waxay heshay lacag caddaan ah, diyaaradaha xamuulka qaada, badeecooyin iyo alaabo kale, ayay tiri waaxda maaliyaddu.

Mareykanka ayaa xiriirka u jaray ninkan isla markaana wuxuu xayiraad kusoo rogay hantidiisa.

Cunaqabataynta reer galbeedka ee saaran Ruushka ayaa saameysay hubkii uu heli jiray iyo sidoo kale hubka looga burburiyay dagaalka Ukraine, waxay

cunaqabateynta keentay in Ruushka uu u weecdo dalal kale si uu hub uga helo.

Bishii Disember ee sannadkii hore ayuu Maraykanku sheegay in Iran ay noqotay taageeraha ugu sarreeya ee militariga Ruushka.

Bishii September ee sanadkii 2019-kii hay`adda Qaramada Midoobay ee Cunnada iyo Beeraha (FAO) ayaa sheegtay in wax soo saar liita oo bariiska iyo galleyda ah uu sababay in wax ka badan toban milyan oo qof ay u baahdaan gargaar.

Si kasta oo ay tahay, Kuuriyada Waqooyi waxay horey u diidday inay aqbasho 50,000 oo tan oo bariis ah oo uga yimid Kuuriyada Koofureed. Arrintaas ayaa lala xiriiriyay xiisadda u dhaxaysa labada dal.