Xilli ay G7 farriin adag u direen Ruushka iyaga oo kulankoodii Heroshima ku casuumay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, waxay sidoo kale maanka ku hayeen Shiinaha.
Raiisul wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa sheegay in Shiinuhu uu soo bandhigay “caqabadda ugu weyn ee xilliugan lagu jiro” marka la eego amniga iyo horumarka caalamiga ah, iyo in uu “si xawli ah u awoodeysanayo dal iyo dibedba”.
Mana aha hal, balse laba bayaan ayey hoggaamiyeyaasha dalalka ugu qanisan dimuqraadiyadda adduunku si cad ugu sheegeen Beijing, mawqifkooda ku aaddan arrimaha kala qaybinta sida Indo-Pacific iyo Taiwan. Laakiin qaybta ugu muhiimsan ee fariintoodu waxay ku qotontaa waxa ay ugu yeedheen “dhaqaale qasbadka”.
Waa fal dheellitir oo ku dhib badan G7. Ganacsi ahaan dhaqaalahoodu wuxuu noqday mid si aan kala go’ lahayn ugu tiirsan Shiinaha, haddana tartanka Beijing ayaa kordhay waxayna isku khilaafeen arrimo badan oo ay ku jiraan xuquuqda aadanaha.
Sanadihii la soo dhaafay, Beijing waxay ka waaban wayday inay cunaqabatayn ganacsi ku dhufato dalal aysan raalli ka ahayn. Waxa ka mid ah Kuuriyada Koonfureed, markii Seoul ay rakibtay nidaamka difaaca gantaalaha ee Maraykanka, iyo Ustaraaliya xilligii dhawaa ee xidhiidhka qabow.
Midowga Yurub ayaa si gaar ah uga naxay markii Shiinuhu uu xannibay dhoofinta dalka Lithuania uu Shiinaha wax u dhoofsho ka dib markii dalkan Baltic-ga uu u ogolaaday Taiwan in ay safaarad dhab ah ka sameysato halkaas.
Markaa ma aha wax lala yaabo in G7 ay cambaareeyaan waxa ay u arkaan “kor u kaca qaska” ee “u adeegsiga dhaqaalaha, hub ahaan”.
Qasbashadan ayay yiraahdeen, waxaa la doonayaa in lagu wiiqo siyaasadda dibadda iyo gudaha iyo mawqifyada xubnaha G7 iyo sidoo kale saaxiibbada caalamka.