Xukuumada jamhuuriyada somaliland ayaa war-saxaafadeed ay saaka xilli hore soo saartay waxay ku sheegtay in lasoo weeraray fadhiisimida ciidamada somaliland ku leeyihiin hareeraha magaalada laascaanood.
somaliland ayaa sheegtay inay guulo waaweyn ku gaadhey dagaalkaasi saaka dhacey waxayna warbaahinta ku hadasha afka dawlada somaliland lagu shaaciyey tiro maxaabiis ah oo gacanta ku dhigeen ciidamada milateriga somaliland.
maxaabiista saaka ay qabteen ciidamada milateriga somaliland ayaa iskugu jiray ciidamo kala duwan waxaana sidoo kale kamid ahaa xildhibaan isagu ka tirsanaa barlamaanka maamul goboleedka putland kaasi oo dhawr dagaal oo somaliland gashey kasoo dhex muuqday.
milateriga somaliland oo dhawaan hadlay waxay sheegen inay qaadi doonaan weearkii ugu cuslaa ee lagu soo afjarayo waxay ugu yeedheen kooxaha huwanta ah ee dagaalka kula jira somaliland.