Murankan ayaa markale dib u qarxay, kadib markii wasiirka amniga qaranka Israa’iil, Itamar Ben Gavir, uu safar ku tagay masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus Dalka Falastiin.
Wasiirka Israa’iil, ayaa shalay oo Axad ahayd gaaray dhismaha Masjidka Al-Aqsa, iyadoo ay socoto qaban-qaabo xooggan oo dhanka ammaanka ah.
Saddex maalmood ka hor, wasiirka Israa’iil, ayaa bannaanbax kala qeyb galay kumannaan taageerayaasha Yuhuudda ah oo ku sugnaa magaalada Qudus.
Dibad-baxan ayaa lagu soo beegay xilli xabbad joojinta marinka Qaza aysan ka badneyn muddo dhan hal toddobaad ah.
Bishii January ee sanadkan sidoo kale wasiirka Israel, ayaa socdaal ku tagay magaalada Qudus.
Ka dib markii uu tagay Masjidka Al-Aqsa, wasiirka, ayaa waxa uu sawirka ku baahiyey barta Telegram-ka, waxa uuna ku qoray, “Qudus waa nafteenna, hanjabaadda Xamaasna nagama hor istaagi doonto, maanta waxaan tagay macbadka Yuhuudda”. Ururka Xamaas, ayaa kasoo saaray war diidmo ah safarka Gavir ee magaalada Qudus.
Iyaga oo ka jawaabaya, Xamaas waxay baahiyeen, “Israa’iil waxay mas’uul ka noqon doontaa galitaanka wasiirkeeda, iyo dadka lagu qasbay safarkaasi.”
Dowladaha Sucuudiga iyo Urdun ayaa cambaareeyey safarkan.
Dowladaha Sacuudiga iyo Urdun, ayaa ka soo horjeestay tallaabadan uu qaaday wasiirka Israel.