Shirkada Nestlé ayaa wajahaysa fadeexad wayn kadib markii baadhitaano la sameeyey lagu ogaaday in waxsoosaarkeeda ay ku jiraan xadi badan oo sonkor ah taas oo halis ku ah caafimaadka ubadka. Sida lagu baahiyey Euronrews.
Nestlé waxay soo saartaa caanaha iyo cuntooyinka ugu muhiimsan ee ubadka, sida Cerelac iyo Nido oo ah kuwa ugu iibka badan. Soomaaliduna waxay ka mid tahay dadka aadka u isticmaala waxyaabaha ay soo saarto shirkadani.
Baadhitaan ay sameysay International Baby Food Action Network (IBFAN) ayaa daaha ka qaaday in cuntada shirkada Nestlé ay wadamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ahba ay u dhoofiso cunto ay ku jirto xadi sare oo sonkor ah.
Baadhitaanka ayaa diiradda lagu saaray ilaa 150 badeecadaha ay shirkadani samayso waxaana lagu ogaaday farqi weyn oo u dhexeeya sonkorta ku jirta badeecadaha lagu iibiyo qaarada Yurub iyo kuwa lagu iibiyo dalalka sida Filibiin, Afrika, iyo Thailand.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay in Sonkorta lagu daro cunnada dhallaanka ay keento arrimo caafimaad oo ay ka mid yihiin cayilka iyo cudurrada aan la kala qaadin, gaar ahaan cudurrada wadnaha oo inta badan keena sababta ugu badan dhimashada adduunka.
Madaxa nafaqeynta ee shirkadda ayaa sheegay sanadka 2020 in 15 milyan oo caruur ah ay ku tiirsan yihiin wax soo saarkooda, taasoo muujineysa saameynteeda baahsan.
Shirkada Nestle iyada oo ka jawaabaysa baadhistan, ayaa waxa ay iska difaacday eedan loo soo jeediyey, waxayna tilmaantay in kala duwanaanshaha cuntooyinka waddammadu ay sabab u tahay arrimo ay ka mid yihiin xeerarka wadamadaas u yaal iyo helitaanka maaddooyinka maxalliga ah.