Maxay tahay cabsida soo food saartay dadka degen istanbul?

cabsi adag ayaa soo foodsaartay dadka degen gudaha magaalada istanbul kuwaasi oo ka cabsi qaba in guryu la dumaan .

Mesut Muttaliboglu, ayaa kamid ah dadka dagan magaalada Istanbul, waxaa ku yimid dilaac ballaaran gidaarka qolka uu jiifo.

Dhinac kamid ah gidaarka qolka, ayaa soo daatay.

Tani ayaa keentay in isaga iyo qoyskiisu ay ka guuraan guri ay degenaayeen 15-kii sano ee u dambeeyay.

Tayada dhismaha oo dhan, ayaa la dhaleeceeyey, ka dib markii uu la jaan qaadi waayey heerka badqabka guryaha.

Waxaa jirta halis aad u sareysa, oo laga baqayo in gariirku haddii uu dhaco in gebi ahaanba magaaladani xayirmi doonto.

Labada dhulgariir ee xoogga badnaa ee ku dhuftay koonfurta Turkiga, ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad ​​50,000, xaaladda degdegga ah, ayaa ku keentay magaalada ugu weyn dalka Turkiga ee Istanbul cabsi weyn.

Waxa ku nool 15 milyan oo qof, waxa ay ku fadhisaa khadka ee Waqooyiga Anatoliya.

Ku dhawaad ​​70% dhismayaasha magaalada, ayaa la dhisay ka hor inta aan la beddelin qaanuunka, kaasoo dhaqan galay xiligii lasoo rogay heerka adag ee dhismaha sanadkii 1999-kii.

Saddex bilood ka hor, daraasad ayaa sheegtay in dhulgariir halkan ka dhacay uu dilayo ilaa 90,000 oo qof.

Mesut, ayaa wuxuu si wanaagsan u garanayaa burburka dhulgariirka uu sababi karo. Waxa uu hadda ka soo noqday halkii xudunta u ahayd dhulgariirkii magaalada koonfureed ee Kahramanmaras, halkaas oo uu ku waayay qaraabo.