Maxay kawada hadleen Sucuudiga Iyo Iran ?

Labada nin ayaa ka wada hadlay tillaabooyinka dib loogu furayo safaaradahooda iyo qunsuliyadooda, wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warantay iyadoo soo xiganeysa wakaaladda wararka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku kulmay magaalada Beijing kulankii ugu horreeyay ee rasmi ah oo ay yeeshaan dublamaasiyiinta ugu sarreeya labada dal muddo 7 sano ah.

Warbaahinta dowladda Sacuudiga ee Al Ekhbariya ayaa soo bandhigtay muuqaal kooban oo ku saabsan kulanka  maanta oo Khamiis ah barta Twitter-ka, kaasoo muujinaya Amiir Faysal bin Farhan iyo dhiggiisa Iran, Hossein Amir-Abdollahian, oo is gacan qaadaya oo dhoola cadeynaya sawirka dhaqanka Shiinaha iyo sidoo kale calanka dalalkooda.



Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa bishii March ku heshiiyey in ay dib u soo celiyaan xidhiidhkooda ayna dib u furaan xafiisyadooda diblomaasiyadeed muddo labo bilood gudahood ah ka dib sanado badan oo khilaaf ah kaas oo kiciyay xiisadda gobolka Khaliijka iyo colaadaha Yemen oo sii xoogeystay ilaa Suuriya.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay tallaabooyinka dib loogu furayo safaaradahooda iyo qunsuliyadooda, wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warantay iyadoo soo xiganeysa wakaaladda wararka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.