Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha QM ?

Kulanka waxaa diirada lagu sarey sidii soomaaliya iyo QM uyeelan lahaayen xidhiidh ka badan kan wakhtigan udhaxeeya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo si wadajir ah Warbaahinta ula hadley kaddib kulan miro-dhal ah oo ah ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada ayaa soo bandhigay iskaashiga labada dhinac ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta, arrimaha Beni-aadannimada iyo la tacaalidda saaneynta isbaddelka cimmilada.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha wax ku-oolka ah ee DFS ay ka xaqiijisay dhinacyada amniga, la-dagaallanka Khawaarijta iyo dowlad-dhiska, iyaga hoosta ka xarriiqay muhiimadda in la qaado Cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.