Siyaasiga Maxamuud Xaashi cabdi oo si gaar ah ula hadlay telefishanka MM SOMALI TV ayaa ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha in dib loo bilaabo wada hadalada somaliland iyo soomaaliya.
Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah gudoomiyaha urur siyaasadeedka Kaah ee Somaliland ayaa soo dhaweeyey in dib loo bilaabo wada hadaladdaasi wuxuuna sheegay in masiirka labada waddan oo laga wada hadlaa ay muhiimad weyn uleedahay shacabka labada dhinac.
Gudoomiye Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kale soo dhaweeyey Ergayga dawlada soomaaliya usoo magacawday Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hore usoo noqday Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Doorashadii udambeysay ee madaxweyne-nimada soomaaliyana utartamay.