Manchester United Oo La Iibsaday

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ugu dambayn la iibsaday, waxaana waqti dambe oo xalay ah ansixiyey qoyska muddada ku dheggenaa mulkiyadda kooxda ee Glazer family oo ogolaaday inay £6 bilyan oo Gini ku iibiyaan.about:blank

Waxa soo afjarmaysa muddo 18 sannadood ah oo ay mulkiileyaasa Manchester United ahaayeen qoyska Maraykanka ah ee Glazer family oo sannadkii 2005 ku iibsaday lacag dhan £800 milyan oo Gini.

Manchester United ayaa waxa iibkeeda si adag ugu loollamay bilyaneerka reer UK ee Sir Jim Ratcliffe iyo sheekha reer Qatar ee Sheikh Jassim oo ugu dambayntii noqday mulkiilaha cusub ee Manchester United la wareegaya, waxaana rumoobaysa riyadii taageereyaasha iyo tababaraha Red Devils ee Erik ten Hag ee ahayd in kooxda uu gacanta ku dhigo Sheikh Jassim si uu maalgelin weyn ugu sameeyo.

Heshiiska iibka Manchester United ayaa si rasmi ah loo dhamaystiray, waxaana la isla qaatay in si rasmi ah loogu dhawaaqo horraanta bisha October ama dhamaadka September, si mulkiileyaasha cusub u qorshayn karaan maalgelinta ay ku samaynayaan kooxda ka hor inta aanu furmin suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga dambe.

Qodobkii la isku hayay ee ahaa in qoyska Galzer ay si buuxda u wareejiyaan naadiga ayaa la isla qaatay iyadoo markii hore ay qoyskani ku adkaysanayeen in ay saami ku yeeshaan kooxda oo aanay si buuxda faraha ugala bixin.

Sheikh Jassim ayaa waxa uu iibka Manchester United ku garbiyey Sir Jim Ratcliffe oo ugu dambayntii ka hadhay damaciisa markii uu maalqabeenka reer Qatar ogolaaday inuu bixiyo £6 bilyan oo Gini oo kaash ah.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa sannad xisaabeedkeedii ugu dambeeyey waxa ka muuqatay in lagu leeyahay deyn gaadhaysa £725 milyan oo Gini, waxaase dhabarka saartay Sheikh Jassim oo dhamaanteed bixin doona.